Dubai{ Khaatumonews }Daaxi khalfaan oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliska Imaarada Dubai ayaa sheegay hadal ay si weyn ula yaabeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool daafaha adduunka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Mas’uulkaan ayaa furashadii Muslimiinta ee Dhulka Andalus ku tilmaamay inay aheyd gumeysi sida uu hadalka u dhigay.

Daaxi khalfaan oo ah nin awood weyn ku leh dowladda Imaaraadka Carabta isla markaasna xilal kala duwan soo qabtay ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal carro xooggan ka dhex abuurtay Muslimiinta.

Qoraalka mas’uulkan imaaraatiga ah ayaa uqornaa sidaan

“Muslimiintu muddo sideed qarni ah ayay gumeysanayeen dhulka Andalus waa taas Andalus usoo laabatay dadkeedii, sabra awood walba waa zuuli doontaa waqtiguba ha dheeraadee”.