Hargaysa{ Khaatumonews }Sida laga wada dhehanaayay warbaahinta waxaa maanta soo laabtay oo safar mudo qaatay kaga soo laabtay itoobiya madaxweynaha maamulka snm muuse biixi cabdi iyo koox kamid ah maamulkiisa.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Weftiga muuse markay soo gaadhen hargaysa waxa warbaahinta la hadlay maxamed kaahin oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka snm kana mid ahaa weftiga muuse u raacay itoobiya.
Faratoon wasiirka arrimaha dibada ugu magacaaban maamulka snm ahaana wasiirkii lahaa in uu ka warbixiyo kulanka itoobiy kana mid ahaa weftigii la socday muuse ayaan ka warbixin,
Xog hoose oo khaatumonews heshay ayaa cadeesana in faratoon laba qodob dartood aanu uga warbixin safarka islamarkaana uu ina kaahin ula hadlay warbaahinta.
Faratoon maaha aftahan ay ku qancen maamulka muuse, mana ahana nin qancin karana run iyo beenba shacabka snm balse waa nin loo geeyay booska kaliya in maamulka snm tuso itoobiya iyo caalamka in xubinkaasi yahay mid ka soo jeeda gobolada Khaatumo,
Qodobka labaad ayaa ah in Aanu Faratoon Xog weyn ka hayn kulanka Muuse biixi iyo Abiy axmed,Waxana Wararku sheegayan in markii ay kulmaayen muuse biixi iyo Abiy ay wasiiro uu ku jiro faratoon laga reebay kulanka iyadoo wasiirada loo reebay Si aanu Faratoon kaligiis u qaadan in la reebay balse qorshuhu ahaa in aysan xogta helin wadahadalka xubno ka baxsan kuwa beesha isaaq,
Isku soowada duubo maamulka beesha isaaq ee snm ayaa xubnaha ku jira ee magac uyaalka ah kana soo jeeda gobolada Khaatumo iyo awdal ayaa inta badan aan lagu dhex milin arrimaha culculus ee maamulkaasi u gaarka ah.
