Deg Deg:Nin Waalan OO Ku Dilay Cadaado Dhawr Qof iyo Sida Shil-ku U DHacay?

Cadaado{ Khaatumonews }Wararka aan ka helayno magaaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in nin hubaysani uu dhowr qof ku dilay xarun dadlka lagu dhaqanceliyo dadka oo ku taal bartamaha magaalada Cadaado.

Wariyaasha magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in qof ka mid ahaa dadka lagu xanaaneyn jirat xaruntaas baxsadayna maalma ka hor in uu maanta ku soo laabatay xarunta isaga oo hubaysan isla markaana uu toogtay mid ka mid ah ilaalada xarunta

Ciidamada amaanka oo gaaray xarunta la weeraray ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka uu ku dhintay Maamulihii xaruntaas,waxaa kale oo la sheegay in Cisbitaalka Magaalada la dhigay mid ka mid ah ilaalada xarunta oo dhaawac culus oo gaaray.