Nairobi{ Khaatumonews }Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddeli mowqifka Kenya ee ku aaddan “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Hadalkeeda ayaa yimid maanta kadib markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo la isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya.
Monica Juma ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee “dhulka la isku haysto” ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn.
Juma ayaa tiri “In inkasta oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku diiday eedeymaha Kenya, haddana way caddahay inaysan beenin jiritaanka qariirad muujineysa in xirmooyinka shidaal ee la xaraashay ay yihiin kuwa Kenya.”
Juma waxay ku dooday in kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ eek u saabsan dhul-badeedka labada dal ay isku hayaan, ay Soomaaliya ku sheegtay inay ilaalineyso xuduudaheeda, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan aqoonsaneyn xuduudda ay Kenya dooneyso.
“Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tiri Monica Juma.
Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin.
