War Deg Deg Ah:Kulan kii Farmaajo Iyo Muuse Biixi Oo Fashil Ku Dhow iyo Wararkii ugu Danbeeyay+Maxaase La isku Haya!?
Jabuuti{ Khaatumonews }Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay safar la qorsheeyay inuu ku tago magaalada Addis ababa in uu Baajiyo Islamarkaana isla manta kusoo laabtao Muqdisho.
Farmaajo oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wararku sheegayaan in Itoobiya ay qabanqaabisay kulan dhex mara isaga iyo madaxweynaha SNM Muuse Biixi, laakiin la isku hayo qodobo muhiim ah oo ku saabsan qabsoomidda kulankaasi.
Xogta Khaatumonews.com ka heshay Qaar kamidiah Madaxta Villa soomaaliya ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu mabda’ ahaan aqbalay, soona dhoweeyay inuu la kulmo Madaxweynaha SNM Muuse Biixi Cabdi, laakiin uu doonay inuu kulanku noqdo mid laba geesood ah oo Itoobiya ay qaadato door ah fududeyn, taasoo ay diidan tahay Somaliland.
Arrimaha la isku hayo ayaa waxaa ka mida: Cidda dhexdhexaadineysa iyo Heerka kulanka labada dhinac, iyadoo sidoo kale ay jiraan arrimo kale oo ku hor gudban kulanka.
Dowladda Itoobiya ayaa wada dadaal ay ku dooneyso inuu shirkaasi dhaco, iyadoo saacadaha soo socda uu soo bixi doono go’aanka ugu danbeeya.
Isha ku hay Khaatumonews.com
