600 Deg Deg:Kulankii Ugu Horreeyay Ee Dhexmaray Abiy Axmed iyo Onlf iyo Arimaha Looga Hadlay? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kulankii Ugu Horreeyay Ee Dhexmaray Abiy Axmed iyo Onlf iyo Arimaha Looga Hadlay?

Addis Ababa{ Khaatumonews}Masuuliyiinta sarsare ee ONLF ayaa kulankoodii u horreeyay ee rasmi ah la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed tan iyo markii ay heshiiska nabadeed galeen.

“Heshiiskii hore ee aan Itoobiyo la galnay wuxuu ahaa saddex qodob oo kala ah, in ONLF ay si nabad ah waddanka uga sii halganto, in colaaddii Itoobiya iyo Soomaalida la joojiyo iyo in wadahadallno dheeraad ah iyo guddiyo wadahadal ay gudaha ka sii hawl galaan oo la dhiso,”

Kulankan shalay ka dhacay Addis Ababa oo dabo socday wadahadalkii hore ayaa la iskula soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii gudiyo loo dhisi lahaa, Ra’iisulwasaaraha ayaana arrintaa dhawaan dhaqaajin doona sida uu BBC-da u sheegay Caddaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka ONLF.

“Ra’iisulwasaaruhu wuxuu nagala hadlay sidii aan gacan u siin lahayn isbadalka uu horseedka u yahay ee dimuqraadiyadda iyo caddaallada uu ugu raadinayo Itoobiya”.

“Sidii gobolka Soomaalida nabad looga dhalin lahaa, sidii dib loogu dhisi lahaa, sidii xuquuqda ka maqan ee siyaasiga ah ama dhaqaalaha ay u heli lahaayeen,” ayuu yiri Caddaani oo soo koobaya wixii uu ra’iisulwasaaruhu kala hadlay.

Dhanka kalana ONLF waxay sheegtay in ay iyaguna kala hadleen guud ahaan xuquuqda ka maqan dadka Soomaalida ah, arrintaas oo uu ka garaabay Ra’iisulwasaaraha sida ay ONLF sheegtay.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dhawaanahan aad u hadal hayay sida loo qaybiyay guddiyada xuduudaha iyo qabanqaabada tirakoobka.

“Si wayn baan oogala hadalnay, wuxuuna Ra’iisulwasaarahu ka garaabay dulmiga Soomaalida lagu sameeyay ee talisyadii hore ay ku sameeyeen sida midka siyaasiga ah, tan tirakoobka iyo tan dhulkooda ah, in aan si wada jir ah ugu soo celino ayaana isku af garanay,” ayuu yiri Caddaani.

Wuxuu intaas ku daray in guddiga xuduudaha iyo dib u heshiisiinta lagu kordhinaya dad Soomaali ah arrintaasna uu Ra’iisulwasaaruhu ka aqbalay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021