Deg Deg Daawo Sawiro:Abiy Axmed Oo Ku Qaabilay Muuse Biixi Kulan Bilaa Astaan Ah!?+Uguna yeedhay Maamul goboleed!?

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafiiskiisa magaalada Addis ababa kula kulmay madaxweynaha Maamulka SNM Muuse Biixi Cabdi oo maanta tegay dalkaas.

Biixi oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Ahmed ay ka wadahadleen xiriirka labada dhan ee Itoobiya iyo SNM sida uu yiri iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi siiba dhinacyada Ganacsiga iyo amniga.

Qoraal laga soo saaray xafiiska raisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somailand iyo wafdigiisa oo labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo khuseeya xiriirka iyo danaha labada dhinac.

Raysal wasaare Abiy ayaa Markuu Qaabilaayay Horjoogaha SNM Biixi Waxaa uu KU qaabilay Kulan aan Lahayn wax astan ah Sidoo kalana Qoraalka Laga soo Saaray xafiiska Raysal wasaaraha ayaa loogu yeedhay Muuse Hogaamiye Ka socda Maamul Goboleedka Somaliland