Waxa ay ahayd abaaro 3:45 habeenimo adimaadii salaada arooryo ayaa la adimayay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Waxaa aanu ku soo baxnay kawaan ka mid ah kawaanada ay dadku sida joogtada ah uga adeegtaan subax walba, waliba kawaanada waawayn ee magaalada laascaanood, waxa saacado aan badnayn ka hor loo rogay ama la dhigay hilibkii subixii, hilibkaas oo lagu soo gawraco kawaanka guud ee degmada deedna loo qaybiyo kawaanada yaryar ee hoos yimaadaa iyo hudheelada, hilibkan oo ay ka adeegan lahaayeen macaamiishu subixii, balse nasiib daro waxa aanu la kulanay goobtii hilibka oo cidlo ah, goobtaas oo markaasi ay bisado aad u tiro badan arkeen in ay meeshu cidlo tahay waxa ayna cunayeen hilibkii goobtaas la keenay, hal cabaar ah ka dib anaga oo yaaban ayaanu hareeraha eegnay mise wax dhaqdhaqaaaqa meesha ma joogaan, aan ka ahayn bisadahaas u banbaxay cunista hilibka ay cidlada ka heleen,
Hilibkan oo ah hilibka ay dadku adeeg ahaan u qaataan kuna karsadaan cuntooyinkooda quutal daruuriga u ah,
Dayac aad u tiro badan ayaa ka muuqday kawaankaas, sida la wada ogsoonyahay caafimaad darada uu keeni karo cunista hilibkaasina waa la wada ogyahay, wasaarada caafimaadka ee gobolka iyo dhamaan mihnadlayaasha caafimaadka gobolku waa in ay olole ka sameeyaan fayo dhawrka hilibka, .
Bulshada ku dhaqan degmada laascaanood waxa aanu ku wargelinaynaa in ay iska ilaaliyaan kana taxadaraan cunto aysan hubin fayo dhawrkeeda.
Bulshadana waxaanu ku wacyi gelinaynaa neefka la qalo ee hilibkiisa baadhaha caafimaadku hilibkaas u aqoon sado in aanu dadku cuni Karin, sababo dhinaca caafimaadka la xidhiidha awgood, waa in ay iyaguna bulshadu dhankooda ka feejignaadaan.




