600 Xog Culus:Sirta Ku Duugan Socdaalka Muuse Biixi Ee Addis Ababa, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Xog Culus:Sirta Ku Duugan Socdaalka Muuse Biixi Ee Addis Ababa,

Jabuti{ Khaatumonews }Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulankan oo uu soo qabqanqaabiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa haddii uu dhaco waxa uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee dowlada federalka iyo Maamulka Somailand ay yeesheen tan iyo sanadkii 2015kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadalada labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Burundi ayaa caawa gaaray magaalada Jabuti halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle kahor inta uusan berri u ambabaxin magaalada Addis Ababa.

Lama oga ajandayaasha kulankan looga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shi Madaxeedka Ururka Midowga Afrika.

Dalalka Turkiga,Jabuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo dowlada federalka iyo Maamula la magax baxay Somaliland,iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...