600 War Deg Deg ah:Barlamanka Kenya U yeedhay Wasiir ku Soo Wajahna Muqdisho!? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg ah:Barlamanka Kenya U yeedhay Wasiir ku Soo Wajahna Muqdisho!?

Nairobo{khaatumonews}Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moniko Juma ayaa lafilayaa in Maanta oo Talaado ah inay hortagto Baarlamaanka dalkaas si wax looga weeydiiyo khilaafka cusub ee Siyaasadeed oo xilligaan u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Katoo Metito oo ah Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta ay Wasiirka Arrimaha dibada ugu yeereen ay tahay in ay ogaadaan waxa dhaliyay xilligaan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Haweenyda wasiika Arrimaha dibada ka ah Kenya ee Monico Juma ay Soomaaliya ku soo wajahan tahay si looga wada xaajoodo khilaafka labada dal taas oo dhalisay in Safiirkoodii ka joogay soomaaliya u yeertan sidoo kalena safiirkii Soomaaliya ee Kenya ku amraan in uu dalkiisa u laabto.

Baarlamaanka Kenya oo qorshohoodu ahaa inay Maanta ka doodaan miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan ayaa dib u dhigay sababo la xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada dalkaas si ay wax uga weeydiiyaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu Magacaabo Monico Juma ayaa lafilayaa iney warbixin ka siiso Baarlamaanka dalkaas xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirkii 7-dii Bishaan kadhacay london ee lagu soo bandhigay Shidaalka ku jira Soomaaliya.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee xilligaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid weli taagan,waxaana dowladda Kenya ay ku xiray Saddex shuruudood oo adag xalinta khilaafka labada dal.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...