War Deg Deg Ah:Abiy Axmed Oo Balantii kaga Baxay Madaxweyne Farmaajo iyo Marti Qaad Uu U Fidiyay Muuse Biixi?

Hargaysa{ Khaatumonews }Dowladda Itoobiya ayaa casuumaad ah rasmi ah u fidisay Madaxweynaha maamulka SNM Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Bixi ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horreysay ee Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Hore Isugu wacna waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan oo ku saabsan Ammaanka, kala qeybinta soomaaliya balse tan iyo markii uu qabsaday Talada Dalka soomaalia Farmaajo waxaa isbadaley xidhiidhkaasi.

Safarkaan waxaa uu kusoo beegmaya xilli bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.