War Deg Deg ah:-Dagaalo ka dhacay Kashmir oo khasaaro badan dhaliyey

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhimatay dagaal subaxnimadii isniinta ka dhacay dhulka kashmir qeybta ay ka taliso India, dagaalkan ayaa u dhaxeeyey kooxo hubeysan iyo ciidamada dowlada India.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay in ugu yaraan 4 kamid ah askarta India lagu dilay, halka sadex kale dadka dhintay ay ahaayeen kooxaha hubeysan oo xoriyada dhulkaasi u dagaalama, waxaa iyaguna jira dad shacab ah oo ku dhintay dagaaladan.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa la gubay gaari bas ah oo siday askarta dowlada India ee dhulkaasi ku sugan, waxaana weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ku dhintay 42 askari, khasaarahan oo ah kii ugu cuslaa ee soo gaara ciidamada India.

Arrimahan ayaa markale dib usoo nooleeyey xiisadii ka dhex taagneyd dalalka jaarka ah ee India iyo Pakistan oo isku heysta maamulida gobalka Kashmir tan iyo markii la kala jaray labadaasi wadan.