Maqaal:Isburinta Salafiyiinta Soomaaliya iyo siyaasadaha taagan.

Xilligii dastuurka Soomaaliya in wax laga badelo xukuumaddii barigaa jirtay garowsatay 1989-1990 , isla markaana la jideeyey in dalka lagu soo dabaalo hannaanka xisbiyada badan oo la soo afjaro nidaamkii xisbiga kaliya ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Sooomaaliyeed XHKS, ayaa waxaa markiiba is abaabulay ururkii Al-Itixaadka Al-Islaami oo xilligaa qarsoonaa ee hadda magaca u bedeshay Al-Ictisaam.

Waxay shaaciyeen in ay doonayaan in ay doorashada ka qayb galaan, waxayna noqdeen Xisbigii ugu horeeyey ee si cad ugu dhawaaqa in uu Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed diyaar u yahay in uu kula tartamo doorashada ugu horaysa ee dalka laga qaban doono, isla markaana ku qanacsan hannaankan cusub ee dalka lagu soo dabaalayo.

Waxaana hubaal ahayd haddii xilligaa doorasho dalka ka dhici lahayd in ay ku guulaysan lahaayeen oo ay meel sare ka gaadhi lahaayeen, sababtoo ah saamayn xoogweyn ayey dalka ku lahaayeen sida ay haddaba ugu leeyihiin.

Waraysi BBCdu 1990 la yeelatay Afhayeenkii xilligaa ee Al-Itixaad Al-Islaami oo waraysigaana uu qaaday Cabdnuur Isaxaaq waxaa ka mid ahaa sidee dimuqraadiyada aad ula falgalaysaan idinka oo aan aaminsanayn, mase laga yaabaa in aad sallaan ka dhiganaysaan oo markaad xukunka ku gaadhaan aad dhinac isaga leexinaysaan.

Ilaa 1992 Soomaaliya saamaynta ay ku lahaayeen Itixaadku waxay ahayd mid rajo weyn uga muuqatay in ay dalka Soomaaliya ku hanan karaan, hasa yeeshee waxa rajadaas kala tuuray go’aankii aanay mahadin ee dagaalka dhaliyey 1992, ka dib waxay ka qayb qaateen dagaaladii dalka ka socday oo kii qabiilka mid diiniya ka dhinac dilaacay, iyagiina ay u kala qaybsameen garabyo badan , garab garowsaday in ay dadkooda ka mid noqdaan iyo garab doonay in uu qaab dagaal ku hirgaliyo qorshihiisa oo ilaa hadda wada.

Sidaas oo ay tahay ayaa garabkii garowsaday in ay dadkooda ka mid noqdaan ay wali saamayntii ku leeyihmiin bulshada si ka weyn kan qoriga adeegsanaya, waxayna maanta saamayn toosa ku leeyihiin dhammaan madaxtooyooyinka dalka Soomaaliya ka jira maqaamkay doonaan hala haadeene ,waanu ogyahay qofkasta oo xaaladda Soomaaliya dhugmo u lahaa xilliyadaas ma sheegin wiil dhalinyaro ah oo muddooyinkii ugu danbeeyey indhaha ku kala qaaday xaaaladda dalka.

Maanta madaxweyne rukuuca iyo mid aan rukuucin Doon ayey wada saaran yihiin, taageerada ugu badan dawladan waxay ka heshaa Salafiyiinta, oo ah isla kuwii Cabdilaahi Yuusuf u arkayey murtadka ay waajibka tahay in la khaarajiyo, waxayna ku haysteen Cabdilaahi Yuusuf waxay ahayd Dastuurka ayaa ah mid wadciya oo aan diinta waafaqsanayn, isla Dastuurkii Cabdilaahi Yuusuf dalka ku xukumayey ayaa Farmaajana ku xukumayaa dalka, sababta uu Farmaajo agtooda uga noqday Amiirul Mu’miniin wax kale maaha waa saamaynta ay ku leeyihiin go’aanka dalka oo ay Maraykanka iyo Reer Galbeedba kula shaqeeyaan oo Tuqyada iyo Mikifiiliyeyntu asalka u tahay.

Maanta isburinta(Tanaaqudaadka) waxaa ku nool laba dal salafiyiintooda oo ay aad uga muuqataa, waa Soomaaliya iyo Sucuudiga, jaah wareer aan caadi ahayn ayaa ku dhacay , laba aragtiyood oo aan shaqo isku lahayn ayey isku hal mar difaacayaan, waase aragtida casriga ah ee xilligan.

Afeefta qoraalkan waxay gaar u tahay Asad adaani