Deg Deg Daawo:Puntland Oo Xidhay Xafiis Xisbiga Wadajir ka Furtay Garoowe?

Garoowe{ khaatumonews } Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta   u xaqiijiyay, in guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi )Gu’jir) uu bixiyay amarka lagu xiray, xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garoowe, madaama sida ay sheegeen  Puntland diiddantahay in ol’olaha siyaasadeed ee xisbiyada Soomaaliya uu saamayn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda Puntland ay amar ku bixisay, in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin degaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo hoggaanka xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaan midkoodna weli ka hadlin, sababaha loo xiray xaruntii xisbigaasi ee magaalada Garoowe, oo ahayd xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada Puntland