London{ Khaatumonews }Gabadh da’yar oo iyadoo madaxu xanuunayo sariir ku seexatay ayaa afar maalmood ka dib toostay iyadoo ku curatay gabadh fajac ku noqotay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ebony Stevenson oo 18 jir ah oo Britain u dhalatay ayaan ka warhaynin in ay uur tahay markii ay xanuunsatay ee ay sariirta ku seexanaysay.

Isbitaal ayaa loo sii qaaday ka dib markii ay miyir daboolantay, dhakhaatiirta ayaana ogaaday in ay uur leedahay.

Ilmaheeda aan dhalan ayaa ku qarsoomay labo makaan oo ay lahayd, waana xaalad naadir ah.

Mid ka mid ah labada makaan ayaa caado keeni jiray midka kalana ilmaha ayaa ku abuurmay oo ku dhex korayay.

Midka uu ilmuhu ku korayay ayaa dhanka dhabarka xigay sidaas daraadeedna uurka ayaa noqday mid aan la dareemin.

Hooyadan da’da yar oo ardayad ah ayaa toostay 6 bishii Disembar iyadoo gabadh dhashay.