Baydhabo{ Khaatumonews }Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah waxaa uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kaasoo daryankiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaaladaas.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka dib markii bam gacmeed lagu tuuray dhisme ku yaalla agagaarka Isbitaalka Baydhabo sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray dhismaha bamka lagu weeraray oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu degan tahay Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo aysan inoo suuragelin inaanu helno magaciisa.
Lama oga illaa hadda inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkan iyo in inkale, balse ciidamada amaanka ayaa goobtaas ka wada baaritaano kala duwan.
