Muqdisho{ Khaatumonews }Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.
Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.
Isku soowada xooriyo Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.
