Ra’iisul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Israa’iil ka dib markii uu qoonsaday hadal ka soo yeeray dhigiisa Israa’iil kaas oo ku saabsan xasuuqii dadka Yuhuudda ah loo gaystay ee Holocaust.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Netanyahu oo leh “Poland ayaa Jarmalka la shaqaysay” intii uu socday dagaalkii Holocaust.

Markii dambe ayuuse soo saaray waraaq uu arrintaas ooga hadlayo wuxuuna sheegay in uusan ula jeedin qaranka Poland ama dadka reer Poland oo dhan.

Poland ayaa u yeertay danjiriheedii Israa’iil, Axaddiina waxay sheegtay in ra’iisulwaaare Morawiecki uusan ka qayb galaynin shirka Talaadada dhacaya.

Shirka oo ay Israa’iil martigalinayso waxaa ka qayb gali lahaa afar dal oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia.

Joanna Kopcinska oo ah Afhayeenka dawladda Poland ayaa sheegay in ra’iisulwasaare Morawiecki uu la hadlay ra’iisulwasaare Netanyahu uuna sheegay in shirka uu Poland uga qaybgali doono Jacek Czaputowicz oo ah wasiirkooda arrimaha dibadda.

Netanyahu oo booqasho rasmi ah ku jooga Poland ayay warbaahinta Israa’iil oo ay ka mid yihiin Haaretz iyo Jerusalem Post wax ka qoreen ra’iisulwasaaraha Khamiistii.

The Jerusalem Post ayaa qoraalkeeda u adeegsatay “dalka Poland” waxaana la sheegay in ay durba wax ka badaleen.

Xafiiska Netanyahu ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas ku kala caddaynayo “Ra’iisulwasaare Netanyahu wuxuu adeegsaday Poles mana aha dadka Poland iyo dalka Polanad.”