Muqdisho{ Khaatumonews }War Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay khilaafka Siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Xisbiga UPD ayaa soo dhaweeyay jawaabta ay dowlada federaalka Soomaaliya ka bixisay cabashada kasoo yeertay Kenya, waxa uuna xisbiga cadeeyay in dowlada Soomaaliya xaq u leedahay gacan ku heynta iyo go’aan ka gaarista xudeedaheena iyo kheyradkeena.
