Deg Deg:War Culus Oo Ka Soo Baxay Ganacsatada Qaadka Ee Dalka Kenya?

Nairobi{ Khaatumonews }Ganacsatada Khaadka dalka Kenya ayaa ku hanjabay inay joojin doonaan Khaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin murun xuduud badeedka u dhaxeeya labada dowladood.

Afhayeen u hadlay ganacsatada Khaadka u iib keenta Soomaaliya oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri ayaa sheegay in madax banaanida Kenya aysan marnaba siisaneyn suuqa Khaadka ee Soomaaliya.

Afhayeanka wuxuu sheegay in mar walbaa oo labada dowladood is qabtaan in Soomaaliya ay Kenya ku handado inay Khaadka joojineyso, balse taasi aysan waxba u dhimi doonin ganacsigooda.

Kuma iibsan karno Qaad madaxbanaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxaa ay ku goodisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya’ ayuu yiri mr Kimathi Munjuri .