Muqdisho{ Khaatumonews }Suxufiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya hab dhaqan aan wanaagsaneyn oo Madaxtooyadda Somaliya ay ku hayso bahda Saxaafadda.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray hanaanka Warfaafinta Madaxtooyadda inuu aad u liitay, iyadoo ay yaraayeen xogta rasmiga ah ee shacabka ka helaan Madaxtooyada.
Dhaqankaan cusub waxaa Madaxtooyada ku soo kordhiyay Suxufiyiin hore oo hadda Villa Somaliya ka shaqeeya, kuwaasi oo muuqaalada soo jarjara, kadibna ku baahiya Page Madaxtooyada, balse dadka ma helaan xaqiiq rasmi ah.
Suxufiyiinta cabanaya ayaa saaka aroortii waxaa lagu balamiyay meel loo tilmaamay oo Bahda Warfaafinta Villa Somaliya u sheegeen inay tagaan, si ay uga qayb galaan dhagax dhig madaxda dowladda ay sameynayaan.
Balse waqti dambe ayaa loo sheegay Suxufiyiinta inay iska baxaan oo xarumahooda aadaan muuqaaladana loo soo diraayo, taasi oo ay ka caroodeen Suxufiyiinta.
Cabdi Casiis Ok oo ka tirsan Tv-ga Universal ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin dhaqan xumada Villa Somaliya ku hayso bahda Saxaafadda.
Madaxda dowladda ayaanan raali ka aheyn caqabadaha bahda Saxaafadda lagu haayo, taasi oo ay masuul ka yihiin shaqsiyaad dhawr ah.
