Deg Deg Daawo Video: Madaxweynaha Masar oo reer Yurub Ugu baaqay Inay Xidhaan Masaajidda Muslimiinta!
Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Cabdi Fataal Alsiisi oo khudbad ka jeedinayay shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ka dhacay magaalada Munich dalka Jarmalka ayaa aad uweeraray muslimiinta ku cibaadeysta masaajidda oo uu ku tilmaamay kuwa caalamka ku faafinaya wax uu ugu yeeray Argagaxisada.
Alsiisi oo ah calmaani ayaa ku faanay in isagu uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamula dal muslim ah oo ugu baaqo reergalbeedka in ay koontaroolaan duruusta lagu dhigo masaajidda muslimiinta isagoo muujiyay naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta.
Madaxweynayaal caalamka islaamka kajira ayaa umadax raariciyay baaqa kasoo yeeray Cabdi Fataax Alsiisi halka qaar kale ay layaabeen, Nidaamka ka jira wadanka Masar ayaan qarsan isbarbar taaggiisa Yahuudda iyo Nasaarada wuxuuna caan ku yahay gummaadka dadka muslimiinta ah.
