War weyn Dawlada Burundi Oo Diidan In ay Ka Baxdo Qeybo Somalia Kamid ah!?

Addis Ababa{ Khaatumonews } Dowladda Burundi ayaa wadda dadaal ay ku doonayso in la hakiyo bixitaanka kun Askari oo ka socda dalkeeda kuwaas oo laga saarayo Soomaaliya.

Danjiraha dalka Burundi ee Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa sheegay in dowladdiisu ay hadda dood sharci ah la hortageyso Guddiga amniga iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika.

Arrintan ayuu sheegay in dowladdiisu ay u fududayneyso kaddib markii ay xubin ka noqotay 14-kii Bishan Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto.

Waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay hadda u ololeyneyso sidii kunka Askari ee baxaya looga qaadi lahaa dhamaan waddamada ku jira howlgalka Amisom ee aan lagu koobin Burundi kaligeed.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore meel mariyay qaraar faraya in Amisom ciidankeeda ay qayb qayb uga baxaan Soomaaliya illaa sanadka 2021ka.

Waxaa Bishii December ee sanadkii 2017-kii baxay 1,000 Askari, halka 1,000 kale oo la qorsheeyay in ay baxaan 28-ka Bishan lagu koobay Burundi oo kali ah.

Dowladda Burundi ayaa arrintaas u aragta beegsi si gaar ah iyada loogu gaysanayo waxaana ay hadda ku howlan tahay in arrintaas ay ka laabtaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.