Soomaalida Ku Qarwaysa Qaadka Kenya Hala joojiyo Ma Isweydiisay Arrimahan Tolow!?

Mudo 24 saac ah ayaa laga jooga kadib markii shalay xukumada kenya shaacisay in ay xidhiidhka u jartay dawlada soomaaliya islamarkaana soo eriday safiirkii kenya u fadhiyay soomaaliya lana baxday safiirkeedii muqdisho.

Mudada 24 saac ah dawlada soomaaliya wax jawaab ah lagama hayo oo ay ugu jawaabto xukumada kenya sida ay xoga ku helaysana khaatumonews.com xukumada kenya mudo 10 cisho ka hor ah ayay usoo dirtay waraaq xukumada soomaaliya balse markii ay jawaab ka weyday ayay qaadatay go aankaasi,

Shacabka War Mooga ah ee soomaaliyeed waxaa ay ilaa 24 saac baraha bulshada iyo Warbaahinta kaga dhawaaqayeen hal qodob oo ay ka midaysan yihiin kaaso ah kenya hala joojiyo qaadkeeda.

Soomaalidu markaan eegnay way weyday meel kale oo ay ka durto kenya aan ka ahayn qaadka ganacsiga ah.

Hadaba Ma isweydiiyen soomalida ku tiraabasa qaadka hala joojiyo in qaadku yahay Ganacsi madax banaan in dalka soomaaliya uusan ahayn dal dawladu kawada taliso oo maanta markay xamar ka joojiso dawladu in Garoowe.Gaalkacayo Hargaysa Burco Boosaaso.Kismaayo uu si toos ah uga soo dagaayo.

Mid kale ma is weydisay soomaalidu in Ganacsiga ugu badan iyo somalida ugu badan ku nool yihiin kenya oo ay samayn doonto hadii ganacsiga kenya la joojiyo.

Si kastaba ha ahaate xukumada soomaaliya waxa looga fadhiya go aan leh khibrad siyaasadeed oo dagan iyadoo lagu salaynayo go aankaasi xaalada hada soomaaliya taagan tahay.

KHAATUMONEWS.COM