Deg Deg Daawo Video:Shacabka Muqdisho Si Kulul Uga Hadlay Go”aankii Kenya,

Muqdisho{ Khaatumonews }Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen go’aankii kasoo baxay Dowladda Kenya oo ay xiriirka Diblumaasiyadeed ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kenya ayaa u yeertay safiirkeeda kajooga Soomaaliya soona erisay Safiirkii Soomaaliya ee dalkaas,waxaana ay ku sababeysay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad gudubtay xaduud badeedkeeda,isla markaana ay suuq geysay qeyb ka mid ah badeeda si shidaal looga baaro.

Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Kenya Go’aanka ay gaartay uu yahay midiyada kaliya dhibaatou keenaya,balse Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka wax saameyn ah ku yeelan doonin.

Maadaama xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa xilligaan Soomaaliya iyo Kenya ay salka ku heyso muran badeedka ayaa dadka qaarkood waxa ay qabaan in Soomaaliya ay joojiso suuqgeynta shidaalka,sidoo kalena dacwada dhinaca badda ah ee u dhaxeysa labada dowladood ay ku kala baxaan Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Aragtidaan kala duwan oo ay Shacabka Muqdisho ka qabaan Go’aanka Dowladda Kenya ayaa kusoo aadaya xilli weli Dowladda Federaalka Soomaaliya wax jawaab ah ka bixin,hayeeshee ay socdaan shirar looga hadlayo.