Deg Deg Daawo sawiro:Ciidanka Puntland Oo Fashiliyay Weerar Dhiig Badan Ku Quban Lahaa?
Boosaaso{ Khaatumonews }War kooban Oo ka soo Baxay Xafiiska Ciidamada PSF-ta Ee maamulka Puntland ayey ku sheegeen iney fashiliyeen weerar Ururka Al-shabaab ay damacsaneyd iney ka fuliso gobolka Bari degaano ka mid ah.
Weerarada Al-shabaab ayey ciidamada PSF-tu sheegeen iney ku wajahnaayeen goobaha ay joogaan ciidamada maamulka Puntland.
“Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal-madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer, kuwaasoo damacsanaa inay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada PSF-ta.
Faahfaahin lagama bixin qaabka looga hortagay weerarkan iyo haddii uu jiray iska horimaad dhacay intii uu socday howlgalkan




Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.