Daawo Video:Siyaasi Reer Hargaysa Ah Oo Si Yaab Leh Uga Hadlay Xiisada Soomaaliya iyo Kenya!?

Hargaysa{ Khaatumonews }Axmed Cabdiraxmaan Xirsi Heelo oo Mudo dheer kasoo Shaqeeyay Warbaahinta Soomaalida, Sidoo kala bartay Xidhiidhka Caalamiga ah ayaa ka hadlay Go’aankii Kenya Xidhiidhka ugu Jartay Dawladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kenya ayuu sheegay inay ku Degdegtay Go’aanka ay Qaadatay,  Islamarkaana ay Yaraysatay Soomaaliya oo Xornimada ka Horqaadatay, Kana mid ahayd Quwadihii Qaarada Afrika.

Wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ugu Baaqay inay Midoobaan Arintaasi, Wuxuuna xusay Marka Xaqiiqda laga hadlayo in Somaliland ay Weli kamid tahay Soomaaliya “Weli Soomaaliya iyo Somaliland Geela ayaa isugu Jira, Inta si rasmiya oo Sharci ah  loo kala baxayo, waana Walaalkaa oo Lasoo Weeraray, Soomaalidu waa inay Meel uga soo Wada jeesato Arintan” Ayuu yidhi .