Daawo sawiro:Sida Safiirka u fadhiya Somalia Dalka Kenya Warqadii Erigiisa loogu dhiibay

Nairobo{ Khaatumonews } Xukumada Kenya ayaa shalay u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya.

Waxaa soo shaac baxay sawir muujinaya safiirka Soomaaliya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo loo gacan gelinayo qoraalkii looga eryey daalka Kenya.

Tarsan ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Macharia Kamau ayaa Tarsan u sharxay go’aanka Kenya oo muddo laga soo shaqeynayey, kadib markii Kenya ay ku guul-darreysatay dadaallo dhowr ah oo ay u gashay inay dowladda Soomaaliya joojisay shirkii London