Nairobo{khaatumonews}Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u jooga Magaalada Muqdisho, Jen. Lust Tumbo, iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka Somalia ee Nairobi ku sugan, Maxamuud Axmed Tarsan inuu dalkiisa dib ugu laabto, tan iyo inta laga xallinayo xiisadda taagan.
Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay in Dowladda Somalia ay si bareer ah ugu xad-gudubtay xuduud baddeeda labada dalka u dhexeysa, taasoo ay horay labada waddan dacwadeeda ugu gudbiyeen maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.
“Xukuumadda Somalia waxay muujisay inaysan ka go’nayn inay ixtiraamto soohdimaha ay la leeyihiin dalalka dariska la ah, isla markaan ay si ba’an oo aan ka fiirsi lahayn u beecisay khayraad ku jira bad aysan lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in Dowladda Somalia ay ka sugayaan inay dib uga laabato qorshaha ay ku doonayso inay shidaalka uga baarato goobaha lagu muransan yahay.
Horraantii bishan Feberaayo, ayaa magaalada London ee dalka Kenya waxaa ka dhashay shir lagu beecinayay shidaalka ku jira Somalia, kaasoo si weyn loo mucaaraday inkastoo Dowladdu ay sheegtay in shirkaas uu ahaa mid lagu beec-geynayya shidaalka Somalia ku jira si loo helo shirado soo saara.
Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Somalia kaga sugan yihiin kumannaanka ciidamada ah ee ka tirsan AMISOM, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab oo sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka Somaila ee uu caalmku taageersan yahay.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Nairobi ee xiriirka loogu jaray iyo amarka lagu soo rogay danjiraha Somalia ee Kenya
