600 Deg Deg:Itoobiya U Quus Goysay Maamulka Somaliland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Itoobiya U Quus Goysay Maamulka Somaliland

Dawladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan dhoofka shiidaalka, waxaana heshiiskan oo ay Qalinka ugu kala duugeen Labada Dawladood Wasiirul Dawlaha Macdanta iyo shiidaalka ee Itoobiya  Koang Tutlam iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee ah jabuuti Yonis Ali Guedi, waxa uu dhaqan geli doonaa marka la gaadho sanadka 2021.

Dekedaha ku yaala Dalka Jabuuti   ayaa laga dhoofin doonaa heshiiskaasi oo loo iib gayn doono caalamka.

waxa la rakibayaa dhuumo shiidaalka oo dhererkoodu yahay 760 km kuwaas oo shiidaalka ka soo qaadaya deegaanadda Elala and Kalub oo ku yaala dalka Itoobiya ilaa Jabuuti oo ah halka shiidaalkaasi laga dhoofin doono.

”Marka aanu bilawno dhoofka shiidalaka, waxa aanu heli doonaa aduun lacageed oo gaadhaya 6 ilaa 7 billion oo dollar sanadkii, waxaana kor u kici doonaa dhaqaalaha wadanka” sidaas waxa warbaahinta u sheegay wasiirul Dawlaha Macdanta iyo shiidaalka ee Itoobiya Koang Tutlam.


Dhinaca Kale Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Jabuuti  Yoonis Cali Geedi oo isna warbaahinta u waramay ayaa xusay in dadka ugu badan ee u kala dhashay labada wadan ay ka heli doonaan shaqooyin

Tan iyo intii uu xukunka la wareegay hoganka cusub ee raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u muuqata inay albaaabada usoo laabtay heshiishkii dawladii Tigreyga ahayd ee ka horaysay kuwaasoo heshiish maalgashi la galay Somaliland Iyo Shirkadda DP World, waxaana arintaas cadaynaysa inaanay xukuumaddda Abiy dan iyo muraad ka lahayn gabi ahaanba somaliald gaar ahaan Dekedda Berbera taas oo hadda u muuqata inay u wareegayaan dhinaca dalka Jabuuti.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...