Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu xiray wakiil-wareedkii telefishinka Bulsho Tv ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Kayse Tunkub.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa amray in xabsiga loo taxaabo suxufigan sida ay xaqiijiyeen weriyaal ku sugan magaalada balse maamulka ayaan weli faahfaahin ka bixin xarigiisa.

Khaatumonews.com ayaa daba Gal ku samay Xadhiga Saxafiga Waxaana ay ogaatay in uu ku muteestay xadhigan kadib Markii uu Saxafigu Soo Duubay Munaasibad lagu Taageeraayay wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka dhacday Deegaanka kalabaydh Ee Gobolka Sool

Wasiirada Ka soo jeeda Gobolka Sool ee Puntland U Shaqeeya ayaa Inta Badan lagu bahdila Deegaanka ay ka soo jeedaan Iyadoo awood iyo Cabudhin ay kala Kulman Xubna kale U Shaqeeya Maamulka SNM.

Si kastaba ha ahaate caga juglayntan Wasiirka Caafimaadka puntland kala kulmay tuuladu deegaan ahaan ka soo jeeday ayaa ah cashar Muujinaya awoodiisa iyo Heerka ama meeqaamka uu ka joogo dhulka SSC.