Daawo Video:Somaliland Yaa U Matalaaya Shirka Kismaayo?

Kismaayo{Khaatumonews} Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad  wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga  Jubbaland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadafka Wasaradda Qorsheynta dalka oo ah in wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin  shacabka Soomaaliyeed, 

Mudane Cabdulqaadir Maxmaed Aadan  Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa qeexay shaqada afarta moolmaad ee wadatashiga wareegga kowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ka bilaawday maanta iyo hadafka laga leeyahay in  qorshahan wax looga qabto.

“Qorshaha horuamrinta Qaranka ma ahan mid siyaasad ah, waana mid ku cad baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ay leeyahiin, Qorshahan waxaa uu ka koobnaan doona shan tiir, waana mid ay wada leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, Sida ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, Baarlmaanka iyo hay’addaha dowladd Goableedka waxaan idinka doonayaa in maskaxdiina aad shiishaan si aan u helno wax Ummadda Soomaaliyeed dan  u ah”. ayuu yiri Xogahayah Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta.

Dhanka Somaliland Shirka waxaa ku matalaaya Xubnaha laba Aqal ugu jira.