Muqdisho{Khaatumonews}Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Xog ay heshay Shabakada Khaatumonews  ayaa sheegeysa in waftigan ay yihiin dhaqaale doon, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero ka raadineyso Sacuudiga oo dhowr bil aan wax dhaqaale ah siin Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in lacagtii 50-ka milyan ee dollar ahayd ee Soomaaliya ay ka heshay xukuumadda Sacuudiga dabyaaqadii 2017 aysan kadib Sacuudiga wax dhaqaale muuqda ah siin Soomaaliya.

Arrintan ayaa ugu wacan xiriirka labada dal ee xumaada kadib xiisaddi Khaliijka ee Sacuudiga ay la galeen dalka Qatar, oo Soomaaliya ay diiday inay taageero Sacuudiga

Waxaan dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaa arrimaha deyn cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Beyle.

Arrintan ayaa imanaysa ayadoo bilihii dhowaa ay dowladda wajahaysay cadaadis dhaqaale, xilli aan la bixin mushaharka qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ciidamada dowladda