Deg Deg Daawo Video:Sarkaal Ka Tirsan Maleeshiyada Somaliland Oo Arrin Naxdin leh Soo Bandhigay

Hargaysa{Khaatumonews} Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi oo cusbitaalka hargeysa u dhex jiifa xaalad caafimaad oo lasoo daristay ayaa farriin u diray taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu sheegay inuu waayay waajibaadkii uu ku lahaa taliskiisii ciidanka ee waa sida uu sheegaye mudada afartanka sano ka badan ka tirsanaa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaashaanle dhexe Jaamac caafi , Farriintana waxa uu diray Muuse Biixi “Madaxweynaha waxaan leeyahay, waxaanu u baahan nahay inaad dhakhtar noo dhisto, oo dhakhtar na daweeyo, dhakhtar boliis ahi na dhayo, oo aannu helno dhakhtar ciidanku leeyahay oo aannu leenahay. Ninkaygaa sarkaalka ah ayaa waxa I muday inan, markuu irbadii iga saaray buu igu yidhi; adeerow ma I garanaysaa’? markaasaan idhi adeer ku garan maayee kumaad ahayd? Markaasu I yidhi; barigii la gubay ceelashii Boorame, inamadii aad eryatay eed buurta kala baxday ayaan ka mid ahaa, dabadeedna irbadii baa I damaqday!!!. Way I damaqdayoo waxaan odhan lahaa boolisku wuxuu leeyahay cadow badan, intaa waxbuu eryanayaa, xidhayaa, qabqabanyaa, haddii kuu eryanaayay meel loo dhigo, waa nasiib-darro. Markaa madaxweyne, waxaan ku leeyahay, booliska dhakhtar ha loo dhiso, nin boolis ahi dhakhtar ha u noqdo booliska.”