Muqdisho{ Khaatumonews }Dowladda Federaalka Dalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada militariga oo loo heysto inuu ka dambeeyay dilka lix qof oo looga shakisanaa inay Al Shabaab ka tirsanaayeen.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dadkaan Alshabaabka u eedaysnaa ayaa horraantii Bishii la soodhaafay lagu toogtay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dilkaan loo gaystay ragga looga shakiyay inay xubin ka ahaayeen Shabaab looma marin wax maxkamad ah .
Sida wararku nagu soo gaadhayaan Sarkaalka oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Turbo ayaa lagu xidhay magaalada Muqdisho kaddib markii qaar kamid ah xildhibaanada dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeen in Sargaalku uu geystay dil ka baxsan sharciga.
Xildhibaanadaan soo eedeeyay Sargaalka ayaa la sheegayaa in ay ka soo jeedaan Gobolka Gedo oo ah halka uu dilku ka dhacay.
Warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in xildhibaanada ay kasoo jeedaan gobolka lagu dilay raggan.
Dhanka kalana Bishii Disembar ee sanadkii lasoo dhaafay, Taliska sare ciidamada Dalka Soomaaliya ayaa amar ku siiyay ciidanku inay toogtaan dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al Shabaab ‘meeshii ay ku arkaanba’