Shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan TIKNIKO, kaasi oo ay sheegeen inay kala wareegeen ciidamadii watay xili dagaal uu dhexmaray.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Al Shabaab ayaa sheegay gaarigaasi ciidamada dowladda ay kala wareegeen kadib dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Waxaa la sheegay in gaarigaan oo uu ku xirnaa qoriga DHASHIIKAHA iyo saanad kale oo ciidan oo hub badan uu ku jiro inay kala wareegeen ciidamadii ay maalmo ka hor kula dagaalameen deegaanka Jazeera.

Gaariga oo taarkadiisa ku xirnyed aheyd XOOGA 05704 ayaanan la sheegin halka Al Shabaab ay kusoo bandhigeen, balse waxaa goobta lagu soo bandhigay ku sugnaa ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

Dhowr jeer oo hore AL Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay gaari ay dhawaan soo bandhigeen kaasi oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Jubbaland.