Muqdisho{Khaatumonews} Afar Wasiir Oo maamulkii hore Ee Siilaanyo ka tirsanaa ayaa saaka si kedis uga degay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Doomaaliya, iyagoo ka duulay magaalada hargaysa.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda maamulka Somaliland ee xukuumaddi iSiilaanyo Khadar Axmed Diiriye, sidoo kalena Xilal Agaasime Guud ka soo qabtay Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda maamulka Somaliland Axmed Keyse Guray iyo Masuul kale oo aanaan magaciisa helin, balse isna Xil Wasiir ku xigeen kasoo qabtay Maamulkii Siilaanyo ayaa sida la xaqiijiyay ka degay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxa sidoo kale la socday sida lanoo xaqiijiyay Siyaasiyiin kale iyo aqoonyahano dhalinyaro ah.
Lama garanayo ujeeda safarka masuuliyiintani ku tageen Muqdisho , Waxaanay ku soo beegmaysaa wakhti ay aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee Somaliland ay ku sii qul qulayaan muqdisho oo in ka badan 20 sano ay uyaqaaneen meel cadow ah
. Tiro Afar kun oo qof kor dhaafaysa oo reer Somaliland ah ayaa mudooyinkan u dambeeyay ka degay Muqdisho sida lanoo sheegay.
Khaatumonews.com
