600 Deg Deg Daawo Sawiro:-Golaha Wasiirada Puntland Maanta La Dhaariyay? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro:-Golaha Wasiirada Puntland Maanta La Dhaariyay?

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland lagu dhaariyay Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Puntland uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne   Saciid Cabdullaahi Deni .

Dhaarinta Wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...