Daawo sawiro:Ciidaanka CIrka Ee Mareykanka Oo Duqeeyey Guryaha dad shacab Soomaali Ah,
February 12, 2019
Baardheere{ Khaatumonews }Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada burbur ay sheegeen inay sababtay duqeymo ay ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ay habeen hore ka fuliyeen degmada Janaale ee gobolka Sh/Hoose.
Burburkan ayaa la sheegay in inta badan uu gaaray guryo ay lahaayeen dad shacab ah, inkatsa oo aan la shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.
Waxaa sidoo kale sawirrada ka muuqda qalab ciidan oo la sheegay inay ka tageen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee soo weeraray magaalada Janaale.










