600 Boqol carruur ah oo cudur halis ah uu laayay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Boqol carruur ah oo cudur halis ah uu laayay

Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto.

Hay’adda samafalka ee Save the Children ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo.

In ka badan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana cudurka xilligan lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee wadankaasi soo mara.

Ilmaha ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaadaan dadka qaba xanuunka, isla markaana ay sababi karaan sii faafidda cudurka, maadaama uu Ebola ku faafo taabashada dhacaanka dadka qaba.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola, balse waa markii ugu horreysay ee uu si ba’an uga dilaacay bariga dalkaasi.

Qaar ka mid ah bulshada uu saameeyay xanuunka ayaa colaad kala hortaga hawlwadeennada caafimaadka, halka xooggaga hubaysan ee gobolkaasi ka dagaallamana ay caqabad ku noqdeen ka falcelinta Ebola.

Hay’adda Save the children ayaa sheegaysa in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...