Deg Deg:::Puntland Oo Maxaabiis Badan Gacanta ku Dhigtay?

Laascaanood{ Khaatumonews }Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada.

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World.

Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso.

Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.