Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo oo Diiday Qorshe ay usoo bandhigtay Itoobiya

Muqdisho{ Khaatumonews }Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada Khaatumonews ayaa sheegeysa in Dowlada Itoobiya ay faraha kala baxday isku day ay ku dooneysay inay ku heshiisiiso Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Qorshahan oo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka codsatay Imaaraadka oo dooneysa inay la heshiiso Soomaaliya ayaa u Bandhigay Madaxweyne Farmaajo balse wuu ka biyo diiday isku dhawaansho ay la yeeshaan Imaaraadka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u cadeeyay Itoobiya in Dowladiisa aysan diyaar u aheyn wada shaqeyn ay dib ula bilowda Imaaraadka maadaama uu ku eedeeyay inay wadeen qorshe ay ku afgambinayaan Dowladiisa.

Xiriirka u dhaxeeyay Dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa burburay ka dib dowlada Imaaraadka ay faragalin ku sameysay siyaasadda Soomaaliya, waxaana wali laga cabsi qabaa inay saameyn ku leedahay arrimaha Soomaaliya walow Villa Somalia ay ku wargelisay inay faraha kala baxdo.

Sidoo kale Boqortooyada Sacuudiga ayaa hore ugu fashilantay inay Villa Somalia ka dhaadhiciso Heshiis ay la gasho Imaaraadka, waxayna tani muujineysaa sida Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay kaga go’an tahay in Soomaaliya faragalin lagu sameeyo.