Wax Ka Ogow Qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuskii 8-da Febraayo ugu Wareejisey Magaalada London,
London{ Khaatumonews }Madaxtooyada Somalia oo Xuskii 8-da Febraayo sanadkan 2019 u wareejisey magaalada London, Markii hoos u dhacday taageerada Farmaajo dadka qurba jooga oo haatan ku gacan sareeyan kooxaha mucaaradka ku ah Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in xuska 8-da Febraayo ee sanadkan 2019 loo wareejiyay magaalada London, halkaasoo Madaxtooyada ay kharash badan ku bixisay xaflad ay ka qeyb galayaan madax loo diray oo ay ka mid yihiin: Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo xubno kale.
Taageerada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemay inay aad ugu yaraatay dadka qurbe-joogga ah, taasoo keentay in xuskii sanadkan loo wareejiyo Qaaradda Yurub,
iyadoo shalay uu magaalada London ka dhacay bannaanbax looga horjeedo shirkii Shidaalka.
Lacag hal Milyan oo Dollar ayaa lagu bixinayaa Xafladaha London ka dhacaya.
Qarashka wuxuu isku jiraa, kirada Hotelada, Tikidada Diyaaradaha, Hoolalka Xafladaha ka dhacaysa iyo Funaanadaha lagu buufiyay Sawirada Farmaajo.
Intaas waxaa sii dheer Lacagaha lagu laalushay Saxafiyiin, Telefishino iyo dad caan ah.
Magaalada London waxaa kaloo ku sugan koox yar oo Villada u qaabilsan dacaayadaha iyo baraha bulshada kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay London ku bixinayay lacaga suuqa madow.
