600 “Sahanka aan ku sameynay Shidaalka Soomaaliya lacagteena ayaa naga Gashay” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

“Sahanka aan ku sameynay Shidaalka Soomaaliya lacagteena ayaa naga Gashay”

London{Khaatumonews}Madaxa Shirkadda Spectrum oo la hadlayay BBC Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay sahminta ay ku sameeyeen Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sahminta Shidaalkaasi ay ka gashay lacagtooda iyo lacago ay kasoo deynsadeen shirkado kale, sida uu hadalka u dhigay, iyadoo ujeedada tahay in laga wada faa’ideysto Shidaalka ku jira biyaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirka ka dhacay magaalada London ee dalka UK uusan aheyn mid lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkadoo aysan ka shaqeyn xaraashka.

“Lacagteena ayaan gelinay baaritaanka anagoo eegeyna howsha socota,waxaan sidoo kale qarashka ka deysanay Shirkado kale, muhiimada waxay aheyd in la ogaado shidaalka ku jira biyaha, shirkadeena waxba ma xaraasheeno, waxaan sameyneynaa inaan tusno meelaha ayuu shidaal ku jiraa”

“Shuruudaha ay wax ku iibsan karaan waa kuwo maanta halkaan lagu sharaxay, waxay ka dhigan tahay sida uu noqon doono shidaalka Soomaaliya, howlaha kale iyo bixinta shidaalka dowladda ayay u taalaa”ayuu yiri madaxa shirkada Spectrum.

Shirka ka dhacaya magaalada London ayaa dhaliyay buuq badan, kadib markii kooxaha mucaaradka dowladda ay dhaliilo badan u jeediyeen dowladda Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...