Deg Deg:Maxaa Ka Soo Kordhay Wadahadalkii Fadaraalka iyo Maamulka Hargaysa

Muqdisho{Khaatumonews} Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dalka ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar.

Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad.

“Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan.

Geesta kale, warar xogogaala oo helnay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa toddobaadkii hore u sheegay inaanay Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas.