Deg Deg:Maxaa Caawa Ka Socda Jigjiga?

Waxaa jigjiga caawa ka socda munaasibad balaadhan oo loogu dabaaldegayo imaatinka ciidanka Wadaniga Xopraynta ogaadeeniyaMadaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa khudbad u jeediyay Ciidamada ONLf taasi oo Dardaaran iyo dhiiri galin isugu jirtay.

Geesta kalana waxaa hadal halkaasi ka soojeediyay GFudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan,

Waxaa hada socota qaybihii Dhexe ee Xafladii lagu soodhawaynayay ciidanka JWXO Iyo guud ahaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waxaa khudbad qiimo badan soojeediyay Madaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Muxumed Cumar, wuxuuna madaxwaynuhu siwayn usoo dhaweeyay go’aanka Geesinimada leh ee Jabhada ONLF ay qaadatay kaas oo ah in sinabad shacabka Soomaalida Ogadenia xornimadooda lagu gaadhsiiyo.

Sidoo kale waxaa khudbad taariikhi ah Madasha kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxayna dadwaynuhu Gudoomiyaha kusoo dhaweeyeen sacab Iyo sawaxan.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegay in hadii uu hirgaliwaayo heshiiskii ay JWXO Iyo Itoobiya uu halgankii shacabku siisocondoono qorigana laqaadi doono.

Waxaa wali Soo socda khudbado ay jeedin doonaan madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia