Deg Deg:::Talibanka iyo Maraykanka oo isku heysta xiliga Ka bixitaanka ciidamada Shisheeye
Afhayeenka Kooxda Talibanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ay doonayaan in ciidamada Maraykanka ay kala-bar (50%) ay ka baxaan wadankooda dhamaadka bisha April.
Abdul Salam Hanafi oo kamid ah wafdiga kooxda Talibanka oo hada wadahadalo u jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa sheegay in dhinacooda ay sugayaan in Maraykanka kasoo baxo balanqaadkiisa ah inuu la baxayo ciidamadiisa.
Dhinaca Maraykanka afhayeen u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga (Pentagon) Col. Rob Manning ayaa sheegay in aan weli lagu heshiin wakhtiga ciidamada baxayaan.
Talibanka ayaa Xabad joojinta dagaalka ka socda Afghanistan ku xiray in ciidamada Shisheeye ee uu hogaaminayo Maraykanka ka baxo dalkooda, halka Maraykanka uu isaguna sharuud uga dhigay Talibanka in wadankaasi Afghanistan uusan dib danbe xarun ugu noqon doonin kooxaha Maraykanka u yaqaan Argagaxisada.
