600 Deg Deg::Shaqaalehii Shirkadda DP World oo isaga Baxay PUNTLAND | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Shaqaalehii Shirkadda DP World oo isaga Baxay PUNTLAND

Boosaaso{ Khaatumonews }Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso ayaa shalay isaga baxay Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Shirkadda P&O waa shirkadda maamusha dekedda Boosaaso, waxaana iska leh oo ay hoos tagtaa shirkadda DP World  ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Go’aanka ay ku baxeen shaqaalaha ajnabiga ah, ayaa yimid kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda ee mashruuca dekedda Boosaaso, Paul Anthony Formosa, islamarkaana la dhaawacay ku xigeenkiisa.

Xubnaha baxay ayaa aaday dalka Imaaraadka Carabta, oo la rumeysan yahay inay kasii aadi doonaan dalalka ay u kala dhasheen.

Maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda P&O Ports, islamarkaana bixitaanka shaqaalaha ay tahay un mid kooban ilaa xaaladda laga dejinayo.

Dhanka kale, waxaa Boosaaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Meydka Paul Anthony Formosa ayaa weli la aasin, wuxuuna yaallaa Boosaaso, ayada oo baaritaan lagu sameynayo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...