Deg Deg Daawo Video:Mudaharaadkii London Ee Looga Soo Hor jeeday Shirkii Dawlada Ee Shidaalka?

London{ Khatumonews }Magaalada London waxaa ka socda banaanbaxyo lagu diidan yahay qorshaha Dowladda Soomaaliya ku xaraashayso shidaalka iyo kheyraadka dalka in kastoo ajanadihii hore ee shirka London maanta furmay ee ahaa iibinta shidaalka la bedelay lagana dhigay soo bandhigtay macluumaad si dadka loo marin habaabiyo hadana marna taasi ma hor joogsanin banaanbaxyada ka socda London.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waa markii ugu horeysay banaanbax intan la eg Dowladda Farmaajo Ra;iisal wasaarahana ka yahay Kheyre caqabado intan la ek kala kulanto Shacabka Soomaaliyed marka laga reebo dhiibistii Qalbi dhagax oo dalka meel xasaasi ah gaaray.

Shirkadda Shidaalka Sama Oil Gas oo markii hore u shaqeyn jiray Mr Kheyre PM ka Soomaaliya haatan la aaminsan yahay inuu Share ku leeyahay ayaa ku lug arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Dadka banaanbaxayay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ‘DALKA IIB MA AHA, KHEYRE IYO FARMAAJO HA DHACAAN, DHIIG MA DOONAYNO, SHIDAALKEENA IIB MA AHA IYO ERIYO KALE.’