Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Khaatumonews u sheegay in ciidankaan ay kasoo horjeddaan in kulamo ka dhan Madaxweyne Waare lagu qabto xarunta Baarlamaanka.
Xiisad Siyaasadeed oo kacsan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxaana xildhibaanada ay sheegayaan in madaxda Sare ee maamulka Hirshabeelle loo heysto Musuq maasuq.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Caddaadis xooggan kala kulmaya Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle .
